Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Wilaayada Baay.

Guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay waxay qarax culus oo si wanaagsan loo diyaariyay ku weerareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka xilli ay ku sugnaayeen magaalo si aad ah loo ilaaliyo ammaankeeda.

Qaraxa oo ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay waxay ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ku beegsadeen ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Koonfur galbeed xilli ay ku sugnaayeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ilo wareedyo masuul ah waxay xaqiijiyeen in qaraxa uu khasaare culus kasoo gaaray maleeshiyaadka KFG waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka uu madaxa u yahay Cabdicasiis Laftagareen.

Ilo wareedyadu waxay intaasi ku dareen in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo iyana ka tirsan isla kuwa maamulka looga arrimyo magaalada Baydhaba. waxaana qaraxan uu kusoo beegmay xilli dagaal culus oo toos ah ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen waqooyiga Baydhaba gaar ahaan xaafadda Daafuur halkaas oo lagu dilay hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ridada.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.