Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Wallanweyn.

Qarax xoogan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada kaasi oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada Hoose.

Gaariga qaraxa lala helay ayaa ah nooca Cabdi Bilaha,waxa uu qaraxan sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada,iyadoo gabi ahaan uu burburay gaariga Cabdi Bilaha ee qaraxa uu haleelay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay 9 askari oo dowlada Ridada ah kuwaasi oo uu ku jira sarkaalkii ciidanka watay,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay Shan askari kuwaasi oo dhaawacyadooda culusyihiin.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay qarax ka dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada oo ku taala gudaha degmada Wallanweyn lagu dilay ugu yaraan Afar askari labo kalane lagu dhaawacay.

Calamada.com

 

Comments are closed.