Qarax Kenyaan Badan Lagu Xasuuqay Oo Ka Dhacay Gobolka Laamu.

Gobolka Lamu oo ka mida dhulalka muslimiinta ee ay xoogga ku haysato dowladda kaafiradda ah ee Kenya waxaa maanta ka dhacay qarax aad u culus oo ay fuliyeen ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.

Wararka ka imaanaya gobolka Laamu waxay sheegayaan in qarax aad u xooggan lala eegtay gaari Kooyal ah oo ay ka buuxeen ciidamo ka tirsan kuffaarta Kenya xilli uu marayay deegaan ka tirsan gobolkaas.

Ilo wareedyo muhiim ah waxay soo wariyeen in qaraxa oo ahaa mid culus uu si gaara kaga dhacay inta u dhaxaysa deegaamada Milimani iyo baargooni oo ka tirsan gobolka gumeysiga Kenya ku jira ee Laamu.

Idaacadda islaamiga Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay xaqiijisay in qaraxaas ay ku le’deen dhammaan askartii Kenyaanka ahayd ee la socotay gaariga kana koobnayd 14 askari waxaana isla goobta kula burburay gaarigii kooyalka ahaa ee ay iska soo buuxiyeen.

Inta badan marka ay ciidamada millatariga Kenya isaga kala gooshayaan saldhigyadooda kuyaal gobolka Laamu waxay dhanka ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin kala kulmaan weeraro u badan qaraxyo iyo kuwa jidgal ah kuwaas oo si wayn loogu naafeeyo ciidamada dowladda Kenya.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

1 Comment
  1. Farid says

    Alhamdulillah

Comments are closed.