Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera oo qeyb ka ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Fiinow iyo Al-carabiya oo dhaca duleedka magaaladaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya oo kasoo baxay magaalada Fiinow kuna sii jeeday nagaalada Al-carabiyah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in miinada ay haleeshay gaari Kooyal ah kaasi oo gabi ahaan burburay’waxaa sidoo kale qaraxa ku baqtiyay gabi ahaan askartii Kenyaatiga ee la socday gaarigaasi.
Dhanka kale weeraro dhabba gal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxaa lagu gubay labo gaari oo noocyada dagaalka ah waxaa sidoo kale kamiinadaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe kuwaasi oo la socday labada gaari ee lagu gubay duleedka magaaladaasi.
Calamada.com