Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose waxay sheegayaan in qarax culus lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah xilli ay ku socdaalayeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye.

Weerarkan qaraxa ah waxay Mujaahidiintu si gaar ah kaga fuliyeen degaan lagu magacaabo Mareereey oo ka mid ah deegamada hoos taga duleedka degmada Afgooye waxayna la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan dowladda federaalka oo lug ah waxaana qaraxan ka dhashay khasaare nafeed iyo hantiyeed oo soo gaaray maleeshiyaadka kooxda Farmaajo.

Ilo muhiim ah waxay xaqiijiyeen in qaraxaas ay ku dhinteen 3 askari oo ka mid ahaa ciidamadii lagu qarxiyay duleedka Afgooye iyo dhaawaca 2 kale oo ka tirsan isla maleeshiyaadka dowladda.

Qaraxan ka dhacay duleedka degmada Afgooye waxa uu kusoo beegmayaa wakhti saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ay weerar culus oo toos ah ku qaadeen fariisinka maleeshiyada kooxda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ay ka samaysteen deegaanka Lafoole ee dhaca waddada wayn ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.