Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada gaar ahaan kuwa ay tababartay dowlada daba dhilifka Imaaraatka Carabta kaasi oo faahfaahin laga helayo.

Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Tareedisho oo ka mid ah deegaanada ku yaala wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye,dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay inta badan deegaanada ku hareereysan wadadaasi.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bila ah oo ay wateen maleeshiyaatka dowlada kaasi oo gabi ahaan burburay,sidoo kale qaraxaasi waxaa ku dhintay Lix askari oo ka tirsan maleeshiyaatkii dowlad Ridada ee la socday gaarigaasi.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli sidoo kale dhawaan isla deegaankan Tareedisho maleeshiyaatka dowlada lagula beegsaday qarax uu kasoo gaaray khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Calamada.com

Comments are closed.