Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax khasaara nafeet dhaliyay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland lagula beegsaday duleedka magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobalkaasi.
Qaraxan waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Galgala oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Boosaaso’waxaana qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa lala beegsaday askar ka tirsan maleeshiyaatka Daraawiishta maamulka dowlada Itoobiya u adeega ee Puntland.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay laba askari oo xilligaasi ku lugaynayay gudaha Galgala sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ay maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ay baaritaano ka sameeyeen gudaha deegaanka Galgala balse lamasoo sheegin dad ay qabqabteen.
Calamada.com