Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Xabashida Kufaarta Itoobiya qarax culus lagula beegsaday duleedka degmadaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Awdiinle’iyadoona kolanyada Xabashida ah ee qaraxa lala beegsaday ay doonayeen iney biyo ka dhansadaan ceel biyood ku yaala duleedka deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay 6 askari oo Itoobiyaan ah islamarkaana qaraxa lagu dhaawacay labo kale oo Itoobiyaan ah.
Idaacada Andalus ayaa intaasi ku dartay in Itoobiyaanka lagu dilay qaraxa ka dhacay duleedka degmada Baydhabo uu ku jira sarkaal Itoobiyaan ah oo ku magacownaay madaxii Isgaarsiinta ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Awdiinle.
Qaraxan ayaa noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaay oo maalmihii lasoo dhaafay askarta Kufaarta Itoobiya lagula beegsaday goobaha ay duulaanka kaga suganyihiin gobalada Baay iyo Bakool.
Calamada.com