Qarax Culus Oo Ka Dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada.

madax 3Qarax culus oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxa uu goordhaw ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaalka’iyadoona warar hordhac ah laga helayo qaraxa.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay maqaayada The Village oo ah maqaayad si joogta ah uga cunteeyaan saraakiisha nabadsugida dowlada federaalka’iyadoona qaraxa uu sababay khasaara kala duwan.

Si rasmi ah looma xaqiijinkaro nooca loo adeegsaday qaraxa lagu weeraray maqaayada’waxeyna warar hoose sheegayaan in tiro saraakiil ah oo nabadsugida ka tirsan dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxa.

Lasoco Waxii Soo Kordha.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

 

Comments are closed.