Wararka ka imaanaya magaalada Beyruut ee Dalka Lubnaan waxay sheegayaan in fiidnimadii xalay inuu magaaladaasi ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday meel ku dhow Xarumaha Dowladda ee kuyaalla magaaladaasi.
Qaraxa oo sida la sheegay la dhigay goob aan ka fogeyn dhismaha Bangiga ay leedaay Dowladda  ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan laba ruux, , sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Booliiska dalkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda daba dhilifka ee Wadanka Lubnaan ninka lagu magacaabo Nahaad Al-Mashnuuq ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa oo ka dhashay Boorso laga soo buuxiyay walxaha qaraxa in la doonayay in lala beegsado Xarunta Bangiga ee magaalada Beyruut, wuxuuna tilmaamay in illaa iyo hadda aysan heyn macluumaad ku aadan ciddii weerarkaasi fulisay.
Magaalada Beyruut ee Dalka Lubnaan waxaa horey uga dhacay qaraxyo waaweyn oo geystay khasaare nafeed oo ballaaran, kuwaas oo badankood lagu qaaday Xaafadda Koonfureed ee magaaladaasi, halkaas oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ururka Xizbu Sheydaan.
Ururka Shiiciga ah ee Xizbu Sheydaan waxa uu ku lug leeyahay dagaalka daba dheeraaday ee ka soconaya Dalka Suuriya, waxaana Ururkaasi uu taageero Meliteri uu u fidiyaa Nidaamka Nuseyriga ee uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad.