Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee ku hoosjira gacanta maamulka ashahaada la dirirka ee Puntland ayaa tilmaamaya in qarax xoogan lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.
Qaraxan oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Galgala iyo Bali-Khadar oo ka tirsan gobolka bari sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
Saraakiishu waxay sidoo kale noo sheegeen in gaariga la qarxiyey uu lahaa Taliyaha maleeshiyada loo yaqaano daraawiishta qeybta gobolka Bari, kaas oo magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdi Xaashi.
Gaariga ayaa gabi ahaanba burburay sida ay noo xaqiijiyeen Mujaahidiinta, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaadkii la socday.
Qaraxan wuxuu qeyb ka yahay silsilado qaraxyo ah oo guutada qaraxyada ee Mujaahidiinta waayadii dambe ay ku bartilmaameedsanayeen maleeshiyaadka murtadiinta ee maamulka Puntland ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
Xigasho Telegramka Radio Andalus.
Calamada.com