Qarax Culus Oo Ka Dhacay Gobalka Banaadir.

qarax-gaari3Qarax culus oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka xerada Afisyooni ee degmada Waabari.

Xilligii qaraxa waxaa goobta ku sugnaay gaadiid dagaal saaraakiil iyo askar isugu jirta Kufaarta iyo dowlada Ridada federaalka’waxaa sidoo kale xilliga qaraxa goobta ku sugnaay madaxweynaha dowlada Ridada federaalka murtadka lagu magacaabo Xasan Garguurte kaasi oo ka qeyb galayay munaasabada dib loogu furayay iskuulka 21 October.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo nooca qaraxa iyo inuu wax ku noqday Xasan Garguurte balse waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa.

Xubnaha qaraxa lagu dilay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cumar Fargeeto oo ka mid ahaa saraakiisha maleeshiyaatka Minishiibiyada iyo 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

 

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

1 Comment
  1. c/xakiin cismaan maxamad says

    guulwanaagssn

Comments are closed.