Qarax Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

qarax02Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday camaliyad Istish-haadi ah oo lagu dhuftay hoteel Dayax oo ku yaala agagaarka xarunta baarlamaanka dowlada Ridada federaalka.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha iyo banaanka hoteelka taasi oo u muuqata in dagaal culus uu ka socda gudaha hoteelka balse arintaasi wali si rasmi ah looma xaqiijin.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

 

Comments are closed.