Qarax Gaari Ciidan Lagu Burburiyay Oo Ka Dhacay Duleedka Wallanweyn.

Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada kaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose.

Miinada oo ah noocyada dhulka lagu aaso ee Rimuudka laga hago ayaa haleeshay gaari Cabdi Bile ah waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaanada u dhaw dhaw degmada Wallanweyn iyo deegaanka Warmaxan.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in gabi ahaan miinada ay burburisay gaariga Cabdi Bilaha ah,sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday guud ahaan maleeshiyaatkii Murtadiinta ee la socotay gaarigaasi.

Qaraxan lagu laayay askarta dowlada Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ay ku qaadeen difaacyada iyo saldhigyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada ee gudaha iyo duleedka degmada Qoyooley ee gobalka Shabeelada hoose.

Calamada.com

Comments are closed.