Qarax Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Wadada Warshadaha.

taw gubtayQarax culus oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Qaraxa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Xero Jarmal ee wadada Warshadaha’iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in miinada ay haleeshay islamarkaana burbur xoogan u geysatay gaari Taw ah’sidoo kale qaraxa waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan Shisheeyaha Afrikaanta ah.

Mas’uuliyada qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona qaraxan uu kusoo aadayo xilli ku dhawaad 20 askari oo shisheeyaha ah lagu dilay weeraro kamiino ah oo ciidamada Shabaabyl Mujaahidiin ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.