Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada Kenya.

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq oo ka wada tirsan gobalka Gedo,iyadoona faahfaahin laga helayo qaraxa.

Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago oo qaraxan loo adeegsaday ayaa haleeshay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Saliibiyiinta Kenya gaarigaasia ayaa gabi ahaan burburay.

Sidoo kale qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Kenyaatiga ee saarnaay gaariga ay miinada burburisay,dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay goobo ka fog fog goobta uu qaraxa ka dhacay.

Calamada.com

Comments are closed.