Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada Xabashida Itoobiya.

Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somalia.

Qaraxan waxa uu saaka ka dhacay duleedka degmada Baydhabo,dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo dhaca duleedka degmadaasi.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Uuraal ah kaasi oo ku burburay goobta qaraxa uu ku qabsaday,sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Xabashida Itoobiya ee la socotay gaarigaasi.

Kolanyadan kamiinka loo dhigay ayaa kasoo baxay magaalada Baydhabo waxeyna ku sii jeedeen degmada Bardaale ee isla gobalka Baay.

Calamada.com

Comments are closed.