Qarax Gaari Taw Ah Lagu Gubay Oo Muqdisho Ka Dhacay.

taw gubtayQarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho kaasi oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Goob-jooga ka agdhawaa goobta qaraxa ayaa xaqiijiyay in gabi ahaan uu basbeelay gaari Taw ah oo miinada ay haleeshay’waxaasidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar shisheeyaha ka tirsan oo la socday gaaariga Taw-ga ah.

Qaraxan ayaa imaanaya saacada kadib markii inka badan 70 isugu jirta saraakiil askar iyo odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka cusub lagu dilay weerar culus oo Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

MuuseMalaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.