Wararka ka imaanaya deegaanka Shalambood ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay deegaankaasi oo hoostaga magaalada Marka.
Qaraxa waxaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka’iyadoona dhawaaqa qaraxa laga maqlay tuulooyin badan oo hoostaga deegaankaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaarka Ridada taasi oo sababtay in qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dhowr askari oo ka tirsan mal;eeshiyaatka dowlada federaalka.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey aroornimadii hore ee saaka weerar dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo si dhuumaaleysi ah kaga soo baxay degmada Rabdhuura ee gobalka Bakool.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinkaasi khasaara nafeet lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowlada Ridada ee sida dhuumaaleysiga ah uga soo baxay degmada Rabdhuura kuna sii jeeday deegaanka Garasweyne ee isla gobalka Bakool.
Calamada.com