Qarax Ka Dhacay Duleedka Degmada Baydhabo.

Qarax miino4545Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax uu ka dhacay mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.

Qaraxa waxa uu ka dhacay deegaanka Awdiinle ee duleedka degmada Baydhabo kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa lagu aasay goob isbaara ah oo waqti walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka dowlada federaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxaasi ayaa sheegaya in labo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada ay ku dhinteen qaraxa tiro kalane ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyadda qaraxaasi waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo si joogta ah u weerarta shisheeyaha soo duulay iyo dowlada Ridada federaalka.

Calamada.com

Comments are closed.