Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Deegaanka Goobweyn oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Kismaayo ayaa la xaqiijiyay in qarax culus uu ka dhacay kaasi oo sababay khasaara nafeet.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona dhawaaqa qaraxa laga maqlay deegaano badan oo Kismaayo hoostaga.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tobaneeya ka tirsan maleeshiyaatka Ridada dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxaasi ka dhacay deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay qarax ka dhacay xaafada KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada saddex kalane lagu dhaawacay.
Calamada.com