Qarax culus oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay leedahay dowlada hoose ee Nasaarada Kenya.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Lafeey ee duleedka magaalada Mandheera oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali.
Idaacada Islaamiga ah Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la heleen mid ka mid ah gaadiidka ay leedahay dowlada hoose kaasi oo gabi ahaan burburay’waxaa sidoo kae qaraxa ku dhintay darawalkii ka xeynayay gaariga ay miinada la kacday.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro isugu jira qaraxyo’weeraro qorsheysan iyo dagaalo toos ah ka fuliyaan dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali iyo guud ahaan dalka Kenya.
Calamada.com