Qarax Ka Dhacay Wadada Soddonka Muqdisho.

Qarax loo adeegsaday Bamka noocyada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray fariisin maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen qeybo ka mid ah Wadada Soddonka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa si gaar ah loogu weeraray Fariisinka maleeshiyaatka dowlada ay ka sameysteen inta u dhaxeysa wadada isku xirta isgoysyada Black-sea iyo Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa  qaraxa inta badan waxaa laga maqlay xaafadaha ku teedsan inta u dhaxeysa Labadaasi isgoys,waxeyna warar hoose sheegayaan iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka dowlada kasoo gaartay qaraxaasi.

Qaraxan Bam waxa uu kusoo aadaya xilli habeenkii xalay weeraro culus oo khasaara lagu gaarsiiyay dowlada Ridada uu ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada,weeraradaasi waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

1 Comment
  1. وفاتلوهم حتي لاتكون فتنة says

    alle ha jabiyo cadowgeena iyo cadowga allaah

Comments are closed.