Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxyo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose.

Jugta qarax xooggan ayaa xalay fiidkii laga maqlay xaafadda Calanleey oo kamid ah xaafadaha ay ku badanyihiin mas’uuliyiinta maamulka isku magacaabay ‘Jubbaland’.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Weerar loo adeegsaday Bambaano nuuca gacanta laga tuuro lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo ku dhaawacmay qaraxa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Habeen hore ayey aheed markii  ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe ay ku dhinteen qarax lagula eegtay saldhigga Booliska Magaalada Kismaayo,

Comments are closed.