Qarax Lala Beegsaday Askarta Burundi Oo Ka Dhacay Sh/dhexe.

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Burundi oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka Somalia.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga degmada Balcad,iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Miinada ayaa haleeshay gaari noocyada gaashaaman ah kaasi oo goobta ku burburay.sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday guud ahaan askartii Kufaarta Burundi ee la socotay gaariga Burburay.

Dhowr jeer wadada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxaa ka dhacay weeraro badan oo lagu laayay ciidamada Kufaarta Burundi iyo kuwa Murtadiinta.

Calamada.com

Comments are closed.