Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxa hore oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada oo la socday Gaari Nooha ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Buufow iyo Numbar-50 ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxa ayaa burburiyay gaariga Noohada sidoo kale waxaa lagu dilay Saddex Askari oo ka tirsan Maleeshiyaatkii Murtadiinta ee gaarigaasi la socday.
Saddex-da Askari ee qaraxan lagu dilay ayaa Magacyadooda lagu soo kala gaabiyay Cumar, Iidow iyo Suuji kuwaasi oo sigaar ah uga wada tirsanaay Maleeshiyaatka Milatariga Maamulka Murtad Farmaajo.
Qaraxa kale ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Numbar-50 oo ka wada tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Dowladda Federaalka kuwaasi oo la socday Moota kana baxay degmada Afgooye kuna sii jeeday deegaanka Ceel-saliini ee duleedka Magaalada Marka.
Qaraxa ayaa lagu dilay Labadii Askari waxaana gabi ahaan goobta ku burburtay Mootadii ay wateen Labadaasi Askari.
Wilaayada Shabeelada hoose ayaa qeyb ka ah Gobalada sida aadka ah loogu dhiig bixiyo Ciidamada Kufaarta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.
Calamada.com