Qaraxyadaan oo ahaa kuwoo dhawaaqooda laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo iyo duleedka magaalada ayaa waxaa lala beegsaday goob isbaaro u ah maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe.
Goobta qaraxyada lala beegsaday ayaa lagu magacaabaa Baar-caleen’waana goob isbaaro u ah maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha.
Mid ka mid ah labada qarax ayaa ka dhacay sandaqada lacagaha ay ku ritaan maleeshiyaatka Axmed Madoobe ee goobta isbaarada u taala’iyadoona qaraxa labaad uu ka dhacay geed weyn oo xiliyada qoraxda kulushahay ay harsadaan maleeshiyaatka goobta isbaarada jooga.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’iyadoona Idaacadu aysan carabaabin wax tiro ah oo ku aadan askarta maamulka gaala raaca Axmed Madoobe dhimashada iyo dhaawaca kaga noqday qaraxyadaasi.
Calamada.com
Kuwada