Qaraxyo Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Baydhabo.

 Labo qarax oo xoogan ayaa lala eegtay gawaari kolonyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ah kuwaasi oo marayay duleedka deegaanka Warmaxan ee u dhexeeya Afgooye iyo Walla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose.

Qaraxyada ayaa si toos ah u haleelay labo gaari oo kala ah Booyad iyo kuwa xamuulka qaada, waxaana gawaaridu ay noqdeen kuwa gebi ahaanba basbeelay oo baaba’ay.

Waxaa la rumeysanyahay in dhamaan Askartii saarneyd labada gaari ee la qarxiyay ay dhinteen, waxaana qaraxyada kadib ay ciidamadii kale ee saarnaa gawaarida kale ay hakiyeen socodka.

Qaraxayadan ayaa yimid kadib weeraro inqimaasi iyo Isitish-haadiyiin isugu jira oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab barqinimadii maanta ay ku qaadeen fariisimiyaasha ciidamada Shisheeyaha Yugaandha ku leeyihiin magaalada Buula-Mareer iyo deegaanka Golweyn, waxaana laga dilay Shisheeyaha 59 Askari.

Comments are closed.