Wararka ka imaanaya degmada C/Caziiz ee Bariga magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax lala beegsaday saldhigga gaadiidka booliska oo xilligaasi tababar uga socday saraakiil katirsan Booliska Dowlada Ridada Federaalka.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in qaraxaasi uu ka dhashay, dhinaca kale qarax ayaa isna ruxay agagaarka dugsigii 21-ka October ee degmada Waaberi.
Qaraxyadan ruxay magaalada Muqdisho ayaa fashil ku ah guddiga Amniga gobolka Banaadir oo maalma ka hor uu dhisay Xasan Gurguurte Hoggaamiyaha dowladda Federaalka.
Cabdi Raxmaan Tuuryare ayaa horay u sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana muuqata in isbedelka cusub uusan waxba soo kordhin.