Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay dil iyo qaraxyo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa kowaad oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday gaari nooca Runeedka ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada federaalka’iyadoona qaraxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.
Gabi ahaan gaariga ayaa la xaqiijiyay iney miinada burburisay’sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday maleeshiyaatkii dowlada Ridada ee gaariga la socday.
Sidoo kale bam gacmeed ayaa lagu weeraray goob maleeshiyaatka dowlada ay ku qayilayeen oo ah agagaarka Furayaasha degmada Wardhiigley kaasi oo sidoo kale waxyeelo nafeet ay kasoo gaartay maleeshiyaatka dowlada.
Sidoo kale rag hubeysan ayaa xaafada Madiina ku dilay askari ka tirsanaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona ragga dilka geystay goobta si nabad ah ay kaga baxsadeen.
Magaalada Muqdisho waxaa si xiriir ah kaga dhaca weerarada isugu jira dilalka qaraxyada iyo dagaalada tooska ah ee lagu qaada maleeshiyaatka dowlada iyo shisheeyaha kufaarta Afrikaanta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.