Labo qarax oo ah noocyada bambaanada gacanta laga tuura waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray saldhiga Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dhawaaqa qaraxyada waxaa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha degmada Howlwadaag iyo qeybo ka mid ah degmooyinka jaarka la ah.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan nawaaxiga saldhiga oo la hadlay warbaahinta waxey xaqiijiyeen in khasaara nafeet qaraxyadaasi kasoo gaartay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Dhanka kale qarax bam ayaa lala beegsaday maleeshiyaat ku qayilayay isbaarada dowlada federaalka ay dhigatay boosteejada laga raro gaadiidka aada degmada Tooratoorow ee gudaha degmada Afgooye.
Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in ku dhawaad 6 askari oo maleeshiyaatka Murtadiinta ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxaasi lagula beegsaday gudah degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxyadan waxey kusoo aadayaan xilli galinkii dambe ee shalay xaafada Maana booliya ee magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsan booliska kaasi oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Gaafow.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.