Qaraxyo Lagu Dilay Askar American Ah.

AmricanWararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo culus ka dhaceen qeybo ka mid ah dalkaasi kuwaasi oo lala beegsaday kolanyo American ah.

Qaraxa kowaad waxa uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jalalabaad kaasi oo la xaqiijiyay in lagu dilay labo askari laguna dhaawacay saddex kale oo gabi ahaantooda ah askarta Nasaarada Mareykanka.

Qaraxa labaad waxa uu ka dhacay degmada Danad ee gobalka Qandahaar gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha Qandahaar kaasi oo lala beegsaday askar American ah oo la socday gaari Gaashaaman.

Wararkkii ugu dambeeyay ee qaraxaasi ayaa sheegaya in gabi ahaan uu burburay gaariga Gaashaaman ee miinada ay haleeshay waxaa sidoo kale gabi ahaan baqtiyay askartii Americanka ee gaarigaasi la socday.

Qaraxyadaan waxaa fuliyay guutada qaraxyada ee ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan oo weeraro joogta ah ku haya ciidamada Nasaarada Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.

Calamada.com

Comments are closed.