Qaraxyo Lagu Weeraray Maxkamada Gobalka Bari Iyo Shabaabul Mujaahidiin Oo Mas’uuliyadda Weerarka Sheegtay.

maxkamadsaWararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in qaraxyo Bambaano lagu weeraray dhismaha xarunta maxkamada gobalka Bari ee maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Inta la xaqiijiyay ilaa Labo bam gacmeed ayaa lagu tuuray maxkamada’waxaa xilliga qaraxa banaanka hore ee maxkamada ku sugnaay maleeshiyaat fara badan oo kuwa Puntland ah kuwaasi oo ilaalo ka hayay maxkamada oo xilligaasi ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Warar hoose ayaa sheegaya iney jiraan khasaara nafeet oo maamulka Gaala raaca Puntland lagu gaarsiiyay qaraxyadaasi walow si rasmi ah aan loo xaqiijin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee maamulka Puntland kaga noqotay qaraxyadaasi.

Dhawaan ayeey aheed markii sidoo kale qaraxyo Bam lagu weeraray xarunta maamulka gobalka Bari iyo dhismaha Bankiga Puntland ee ku yaala magaalada Boosaas ee xarunta Gobalka Bari.

Weerarkan maanta lagu qaaday Maxkamada gobalka Bari waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo weeraro joogta ka fulisa dhulka uu ka arimiyo maamulka Puntland sida magaalada Boosaaso.

Calamada.com

Comments are closed.