Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada qof shacab ah uu ku dilay gudaha degmadaasi.
Askariga dilka geystay ayaa ka mid ah ilaalada gaarka ah ee gudoomiyaha dowlada federaalka ugu magacaaban degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Dhacdadaan waxaa si aad ah uga naxay shacabka ku dhaqan degmada Balcad’iyadoona maleeshiyaatka dowlaa Ridada federaalka ay caada ka dhigteen dilka’dhaca iyo Kufsiga ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka.
Sidoo kale maleeshiyaat qaab beeleed u hubeysan waxey saacadihii lasoo dhaafay afar ruux oo shacab ah ku dileen deegaanka Golaleey oo ka tirsan gobalka Shabeelada dhxe’iyagoona sidoo kale dhaawacay shan ruux oo ka mid ah dadka deegaankaasi.
Calamada.com