Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Degmada Jowhar.

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in askari ka tirsan dowladda Ridada dad shacab ah ku rasaaseeyay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Askari ka tirsan ciidamada mellleteriga ayaa magaalada Jowhar ku dilay wiil dhalinyara ah oo murun dhanka dhulka ah kala dhaxeeyay.

Sidoo kale askarigan Murtadka ah waxa uu dhaawacay Gabar la dhalatay wiilka dhalin yarada ah ee uu ku dilay degmada Jowhar’iyadoona falkan ay si aad ah uga caroodeen dadka shacabka ee ku dhaqan degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii dilka geystay uu u baxsaday dhanka deegaanka Xaanshooleey oo ay isbaaro u taal maleeshiyaatka dowlada.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa si bareer ah dilal iyo dhac joogta ah kula dhaqaaqa dadka shacabka.
Calamada.com

Comments are closed.