Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

degmada wadajirAskari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa gudaha degmada Wadajir waxa uu si bareer ah ugu dilay qof shacab ah dilkaasi oo faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan.

Askariga dowlada federaalka ayaa dilay qof shacab ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj’waxa uu dilka yimid kadib markii darawalka uu diiday dalab kaga yimid dhanka askariga Murtadka ah kaasi oo ahaa inuu horay usii qaada oo mootada raaca.

Muran dheer kadib askariga waxa uu rasaas ooda kaga qaaday wadahii Mootada kaasi oo durba goobta ku geeriyooday’iyadoona arintaan ay si aad ah uga caroodeen shacabka ku dhaqan degmada Wadajir.

Wadayaasha Mootada iyo guud ahaan shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaatooyin u badan dilal bareer ah kala kulma maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.