Sawiro Roobab Dad Ku Dilay Nairobi Iyo Barakac Xoogan Oo Ka Socda Magaaladaasi.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay ku dhinteen magaalada Nairobi oo ay maasheeyeen Biyaha Roobka, warbaahinta Afka xukuumadda ku hadasha ayaa sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen xaafadaha isku raranka ah ee magaalada.

Sawirro lagu faafiyay baraha Internetka ayaa muujinayay waddooyinka magaalada Nairobi oo isku bedelay biya fadhiisad lama degaan ah, mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay hakad ku jiraan dhammaan isku socodkii gaadiidka dadweynaha.

Roobabka oo Mahiggaan ah ayaa ku dhuftay dhammaan gobollada wadanka waxaana go’an waddooyinka isku xira magaalooyinka waa weyn , Shacabka Kenya waxay ka sheeganayaa hoos udhac ku yimid adeegyada bulshada kadib markii dowladoodu ay dhaqaale xooggan gelisay arrimaha ammaanka iyo dullaanka ay ku qaadday dalka muslimka Soomaaliya.

Sanad walba marka laga gaaro xilli roobaadka tobanaan qof ayaa ku dhinta fatahaadaha halka Boqolaal kun oo qof guryahooda isaga barakacaan

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Roobka Nayroobi.

Calamada.com

Comments are closed.