Xilli biyo yare baahsan ay ka jirta qeybo ka mid ah gobalada dalka Somali ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxey roobab dadka iyo duunyada si aad ah ugu diirsadeen ay ka da’een qeybo ka mid ah gobalada Jubbooyinka.
Goobaha sida gaarka ah roobabka kaga da’een waxaa ka mid ah degmooyinka Jilib iyo Saakow’waxeyna sidoo kale roobabkan ka da’een deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Roobabkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Salaad roob doon ah laga dukaday fagaarayaal ku yaala gobalada dalka gaar ahaan Galgaduud’Hiiraan iyo Shabeelada hoose.
Sidoo kale roobabka xilliga Gu’ga ayaa maalmo ka hor ka da’ay deegaano iyo degmooyinka ka tirsan qaar ka mid ah gobalada dalka Somali.
Calamada.com