Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Gobalada Hiiraan Iyo Galgaduud.

roobab-gSaacadihii lasoo dhaafay waxaa gobalada qaar ee dalka Somali ka da’ay roobab si aad ah ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobaladaasi.

Gobalada sida aadka ah Roobabka uga da’een waxaa ka mid ah Hiiraan iyo Galgaduud oo ka mid ah gobalada dhaca bartamaha dalka Somali.

Degmooyinka iyo deegaanada roobabka lagu diirsaday ay ka da’een waxaa ka mid ah Buq’aqable’Xiindheera’Ceel-garas’Xagareey iyo deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Roobka ugu xoogan ee socday inka badan saddex saac oo xiriir ah goobaha ay ka da’een waxaa ka mid ah degmada Buq’aqalbe iyo duleedkeeda.

Roobabkan oo ah Roobka xilliga Deyta ayaa kasoo daahay Waqtigii sida caadiga ah looga bartay inuu da’a’iyadoona dhawaan Wilaayaatka Islaamiga dalka Somaliya laga wada dukaday Salaad Roob doon ah.

Halkan Ka Dhageyso Roobka Ka Da’ay Qeybo Ka Mid Ah Gobalka Hiiraan.

Calamada.com

Comments are closed.