Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • R/wasaaraha Itoobiya Oo Is Casilay+Sababta Ku Qasabtay Iscazilaada.
  • Allposts
  • Warar

R/wasaaraha Itoobiya Oo Is Casilay+Sababta Ku Qasabtay Iscazilaada.

February 15, 2018

Isagoo khudbad ka jeedinayay Telefeshinka Qaranka Itoobiya ayuu sheegay in uu istiqaaladiisa udhiibay golaha isku tagga kacdoonka shacbiga Itoobiya si xal loogu helo qulqulatooyinka naafeeyay dhaqaalaha wadanka islamarkaana kala daadiyay qowmiyadaha Itoobiya ka koobantahay.

 

R/wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in kacdoonnada wadanka ka socda ay gallaafteen nolosha kumanaan qof  halisna ay geliyeen wax uu ugu yeeray midnimada shacabka Itoobiya “qulqulatooyinka iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee wadanka kajira waxay gallaafteen nolosha Tobanaan qof iyo barakaca kumanaan kale, si xal looga gaaro dhibaatooyinka ayaan ku dhawaaqayaa in aan iska casilay xilka anigoo rajeynaya in nabad buuxda ka islaaxdo wadanka”ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa carrabaabay in uu sii heyn doono inta xisbiga talada haya iyo golaha baarlamaanka ay soo magacaabayaan R/wasaare  cusub oo isaga bedela, sidoo kale wuxuu iska casilay xilkii guddoomiyaha Xisbul xaakimka wadanka maamula.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in iscasilaadda Haillemariam ay imaanayso maalmo kadib markii uu sii daayay siyaasiyiin mucaarad ah oo lagu eedeeyay in ay hoggaaminayeen kacdoonka dhiigga badan ku daatay ee wadanka ka socda.

Tan iyo daba yaaqadii sanaddii 2016 wadanka itoobiya waxaa ka socday kacdoonno shacbi oo saameyn ba’an ku reebay dhaqaalaha iyo ammaanka wadanka, qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu weyn wadanka ayaa ku kacdoontay taliska Addis Ababa kadibna waxaa kacdoonka ku biirtay qowmiyadda Amxaarada.

Dagaallo fool ka fool ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadaha hubeysan ayaa ka socda qeybo badan oo katirsan gobollada wadanka, waxaana sii xoogeysanayay baaqyada ay dirayaan siyaasiyiinta wadanka oo ah in lakala furfuro nidaamka qowmiyadaha.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in R/wasaaraha iscasilay uu cadaadisyo siyaasadeed kala kulmayo saraakiisha Tigreega oo ah kuwa sida dhabta ah wadanka umaamula, illaa iyo hadda wax jawaab ah kamasoo bixin kooxaha mucaaradka oo ku aaddan in casilaadda Haillemariam ay ku riixi doonto joojinta kacdoonka iyo in ay sii wadi doonaan.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof lagu dilay isku dhacyo ka dhacay gobolka Oromia. kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay toogteen dad shacab ah oo dhigayay dibad baxyo.


Waaxda socdaalka dalka Sweden ayaa iyana warbixin ay soo saartay waxay muwaadiniinteeda uga digtay in ay usafraan wadanka Itoobiya, Sweden waxay sheegtay in kacdoonka sii laba kacleeyay ee wadanka ka bilaawday uu qasab ka dhigayo in taxadar ay muujiyaan dadka Swedesh-ka ah ee cilaaqaadku kala dhaxeeyo dadka Itoobiyaanka ah.

Isbuucan gudihiisa digniin tan lamid ah waxay kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa taas oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan wadanka Itoobiya sababa laxiriiro cabsiyo dhanka ammaanka ah.

Continue Reading

Previous: Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.
Next: Askar Lagu Dilay Gudaha Iyo Duleedka Magaalada Muqdisho.

Related Stories

Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Galbeedka Kenya.
  • Allposts
  • Warar

Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Galbeedka Kenya.

November 24, 2022
Dagaallo Culus Oo Ka Socda Gobolka Oromada.
  • Allposts
  • Warar

Dagaallo Culus Oo Ka Socda Gobolka Oromada.

November 24, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-4-1444-Hijri

November 24, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.