Saldhiga Ciidamada Itoobiya Oo La Duqeeyay.

Guutada Madaafiicda Shabaabul Mujaahidiin waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Saldhiga la duqeeyay ayaa ah saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen gudaha garoonka diyaaradaha degmada Baardheere oo ku yaala duleedka degmadaasi.

Jugta madaafiicda ayaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheere iyo deegaano badan oo dhaca duleedka degmada,iyadoona madaafiicda ay ku dhaceen gudaha saldhiga taasi oo muujineysa iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay askarta Xabashida Itoobiya.

Duqeyntaasi ayaa kusoo aadeysa xilli weerar gaadiid looga qabsaday askarna looga dilay ciidamada Saliibiyiinta Kenya uu ka dhacay duleedka deegaanka Fafaxdhuun ee gobalka Gedo.

Calamada.com

Comments are closed.