Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Sara U Kac Qiimaha La Iibiyo Xoolaha Nool Oo Laga Dareemayo Suuqyada Imaaraatka Carabta.
  • Allposts
  • Warar

Sara U Kac Qiimaha La Iibiyo Xoolaha Nool Oo Laga Dareemayo Suuqyada Imaaraatka Carabta.

August 19, 2018

Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraatka carabta ayaa maanta soo daabacay warbixin uu kaga hadlayo sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha ku xareysan suuqyada magaalada Dubaay ee wadanka isu taga Imaaraatka Carabta xilli maalma oo kaliya ay ka hartay munaasabadda ciidul Adhxaa oo ku beegsan talaadada soo socota.

Qiimaha lagu kala iibsado ariga oo ah xoolaha ugu badan ee ay dadku u iibsadaan Udhiyada ayaa ka kacay 1500 oo dirham oo uu joogay markii hore, waxaana hadda lagu kala iibsanayaa 5000 oo dirham taas oo micnaheedu yahay in 65% uu kor kaga kacay halkii uu joogay ciiddii hore.

Ganacsade ka howlgala suuqa xoolaha ee magaalada Al-Quseys ayaa wargeyska u sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha lagu kala iibsado xoolaha loo aaneynayo in sanadkan aysan imaan xoolo badan oo ku filan dadka magaalada Dubaay, isagoona tilmaamay in ay dalka soo galeen xoolo kooban oo ka yimid Pakistan iyo Hindiya.

Ariga laga keeno Pakistan ayaa ah mid aad u kooban oo aanan ku filneen dadka, halka ariga laga keeno Hindiyana lagu soo daabulo diyaarado xamuul ah sidaas darteedna uu ka qaalisan yahay midka la soo mariyo badda ee lagu keeno Maraakiibta sida ay tibaaxayaan ganacsato uu la kulmay wargeyska.

Wargeysku wuxuu leeyahay waxaa xoolaha lagu kala xushaa caafimaadkooda, culeyskooda iyo wadanka laga keeno.

Gullaam Akbar oo ah ganacsade Pakistani ah ayaa wargeyska u sheegay sanadkan aanan suuqyada Dubaay la keenin arigii ka imaan jiray Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in ay ka raqiisan yihiin xoolaha laga keeno wadamada kale.“Haddii uu iimaan lahaa ariga Soomaalida ee raqiiska ah ee neefkiiba la siisto 400 ilaa 500 oo dirham, fursad ayey u noqon lahayd macaamiisha laakiin ariga soomaalida in dhawaaleba ma imaan dalkan” ayuu yiri.

Ciiddii la soo dhaafay, waxaa suuqyada Dubaay loo iib geeyey 170,000 oo xoolo ah, waxaana sanadkan ay saraakiishu sheegeen in la filayey inuu sare u kaco 60% oo uu gaaro ilaa 300,000 kun oo neef.

Khilaaf siyaasadeed oo horaantii sanadkan ka dhex qarxay Imaaraatka iyo kooxda ridada ayaa saameyn ku yeeshay ganacsatada Soomaaliya, waxaana in badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ay hakiyeen xoolihii iyo badeecadihii ay u iib geyn jireen Imaaraatka Carabta iyagoo ka cabsi qabo in ay hantidooda ku dhex lunto isqabqabsiga siyaasadeed u dhexeeya Imaaraatka iyo kooxda ridada.

Dowladda dabadhilifka ah ee Sacuudiga ayaa horaantii bishan dib u soo celisay ari gaaraya 27,000 oo neef ka dib markii ay sheegtay in ay xoolahaas uga cabsi qabto cudurka Rifti-Faali, waxayna sheegtay in aysan ku qanacsaneyn baaritaanada caafimaad ee xoolahaas lagu soo mariyey Dakadaha Soomaaliya  ka hor inta aanan la dhoofin.

In badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa aaminsan in talaabada ay qaaday xukuumada Riyaadh ee ay ku diiday xoolahaas uu salka ku hayo arimo siyaasadeed.

Continue Reading

Previous: Askar Fara Badan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Marka.
Next: Dhageyso Ku Dhawaad Labo Milyan Xujey Ah Oo Guda Galay Acmaasha Xajka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.