Saraakiil Lagu Dilay Duleedka Degmada Afgooye+Magacyo.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose kaasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan dowlada Ridada.

Howlgalkan waxa uu ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerarkaasi ku dileen Labo sarkaal oo ka tirsan maamulka Murtad Farmaajo.

Saraakiisha lagu dilay deegaanka Carbiska ayaa lagu kala magacaabaa Muxamed Cabdi Baashi oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska gaar ahaan qeybta Canshuuraha ee deegaanka Carbiska,sarkaalka Labaad ee lagu dilay deegaankaasi ayaa isagana lagu magacaabi jiray Muxamed Dhagool oo isaguna ka tirsanaay qeybta Milatariga ee maleeshiyaatka dowlada.

Weerarkan lagu dilay Labada Sarkaal ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan saraakiisha dowlada Ridada.

Calamada.com

Comments are closed.