Saraakiil Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday saraakiil katirsan dowladda Federaalka.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil katirsan maamulka gobolka Banaadir balse lamasoo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay qaraxaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay agagaarka isgoyska Xararyaale oo xilligaas ay marateen gaadiid ay la socdeen saraakiil boolis.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Dayniile uu ka badbaaday weerarka islamarkaana uu ahaa bartilmaameedka qaraxa halka warar kale ay sheegayaan in sarkaal katirsan taliska Booliska DF-ka qaraxa uu ka badbaaday.

Comments are closed.