Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmada Ceel-cali ee galbeedka gobalkaasi si bareer ah uu u dilay askari ka tirsanaay Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Goob jogayaal ayaa xaqiijiyay in sarkaalka si bareer ah rasaas ugu furay askariga Itoobiyaanka ah kadib markii ay wada murmeen’iyadoona arintaan xiisad ka dhex abuurtay askarta Itoobiya ee ku suagan degmadaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo gudaha dalka Somali isku dilaan askari iyo saraakiil ka tirsan Xabashida Itoobiya oo qeyb ka ah askarta Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.
Calamada.com