Wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan booliska dowlada Nasaarada Kenya.
Dilka sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Islii ee magaalada Nayroobi’iyadoona dilka ay geysteen rag hubeysan oo dilka kadib goobta si nabad ah kaga baxsaday.
Goobta sarkaalka lagu dilay waxaa soo gaaray ciidamada Nasaarada Kenya kuwaasi oo ugu dambeyntii goobta ka qaaday baqtiga sarkaalka Kenyaatiga ah ee lagu dilay gudaha xaafada Somalida ay degto ee Islii.
Ma jirta ilaa iyo imika cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan booliska Kenya ka tirsan’iyadoona dowlada Nasaarada Kenya ay ka mid tahay dowlada ciidamadooda ay duulaanka ku joogaan dalka Somali.
Calamada.com