Rag hubeysan waxey saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ku dileen sarkaal ka tirsanaay maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmadaasi.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Diiriye Dalmaax oo ahaa gudoomiyaha xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne’iyadoona ragga hubeysan si nabad ah goobta ay kaga baxsadeen.
Goobta sarkaalka lagu dilay waxaa soo gaaray maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo muddo kooban hakad galiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.
Dhowr jeer waxaa gudaha magaaladaasi lagu dilay saraakiil iyo odayaal la shaqeynayay maleeshiyaatka dowlada’ciidamada Ridada Jabuuti iyo askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan gudaha magaaladaasi.
Calamada.com