Sarkaal Ka Tirsan Dowlada Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta ee ka howlgala Magaalada Muqdisho waxey sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Saaka waxey ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab gudaha magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Maamulka Murtad Farmaajo.

Howlgalka lagu dilay sarkaalka Murtadka ah waxey ciidamada Mujaahidiinta sigaar ah uga fuliyeen degmada Wadajir,waxaana magaca sarkaalka la dilay lagu soo gaabiyay Gambar kaasi oo ahaa sarkaal si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan degmada Wadajir.

Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay weerar qarax Bam ah lagu qaaday saldhiga degmada Wadajir kaasi oo sababay khasaara soo gaartay Murtadiinta.

Maalin ka hor ayeey aheed markii ciidamada Mujaahidiinta ay gudaha degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kaasi oo sidoo kale ay ka qaateen qorigii uu ku hubeysnaay.

Comments are closed.