Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Lagu Dilay Degmada Afmadow.

Ciidamo ku hubeysan hubka fudud oo ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Afmadow ee wilaayada Jubbooyinka ku dileen mid ka mid ah saraakiisha sare ee maamul goboleedka isku magacaabay Jubbaland.

Howlgalkan gaarka ah waxay ciidmada Mujaahidiintu ku dileen sarkaal sare oo aad looga yaqaan degmada Afmadow kaas oo ku caan baxay dhibaataynta dadka muslimiinta ah ee reer Afmadow balse rag ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay u dhacay hoygiisa halkaas na ku khaarajiyay.

Ilo wareedyo masuul ah waxay xaqiijiyeen in ciidamada gaarka ah ee xarakada shabaabul Mujaahidiin ay u dhaceen hoyga sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Cabdi oo loo garan ogaa Axmed Ganeey kana mid ahaa saraakiisha sare ee maamulka Axmed Madoobe. iyagoo ugu dambayntiina hoygiisa ku dhex dilay.

Raggii halyeeyada ahaa ee howlgalkaasi fuliyay markii ay fuliyeen howlgalka ka dib waxay si nabdoon kaga soo dhaqaaqeen goobta uu dilku ka dhacay waxaana howlgalkan uu ku biirayaa silsilado howlgallo ah oo muddooyinkii dambe madaxyada looga gurayay madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Ridada Soomaliya.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.