Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka gaala raaca Puntland.
Dilka waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo’iyadoona sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Muxamed oo ku magac dheeraa Tawa-tawe.
Sarkaalkan ayaa maamulka dowlada Xabashida Itoobiya u adeega ee Puntland ugu magacownaay agaasimaha waasaarada Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee dhanka gobalka Mudug.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada gaarka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay fuliyeen howlgalka lagu dilay sarkaalkaasi ka tirsanaay maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa Saacada ka dib markii howlgal ciidamada Xarakada Shabaabul Mujhaahidiin ay ka fuliyeen degmada Jowhar ay ku dileen taliyihii maleeshiyaatka Nabadsugida dowlada Ridada federaalka ee gobalka Shabeelada dhexe’iyadoona howlgalkaasi lagu dhaawacay taliye ku xigeenka sarkaalka la dilay.
Calamada.com